Xurmo Radio FM 96.00 MHZ
 
 
Home About Us Wararka Maqaallo Wareysiyo Contact Us
 
 
Ciidamo ka socoda dalka Jabuuti oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.Prorofesor Axmed Ismaaciil Samaantar oo haatan booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa 27/12/11 muxaadaro ka jeediyay Jaamacada Somaaliya ee magaalada Muqdisho.

Dhageysiga muxadaradaasi ayaa waxaa ka qeyb galay macalimiinta iyo ardayda jaamacada Somaliya ere magaalada  Muqdisho, wuxuuna profosorku kaga hadlay muhimada waxbarashada  iyo sida loogu baahan yahay in looga faaideysto waqtiga oo ay dhalinyarada Somaaliyeed  ay wax bartaan si ay u gaaraan  dhigooda wadamada kale ee horumarka aka gaaray waxbarashada.

Axmed Ismaaciil Samantar waxa kale uu kaga hadlay muxaadaradiisa  rajada iyo himilada qofka Somaaliga  in uu sameeyo mar waliba  si ay wax ula qeybsato mujtamaca kale  ee dunida ku nool.

Wuxuu intaa ku daray lagama maarmaanimada in waqti walba ay Somaliya  ku fikarto in ay higsdato   ama ay gaarto qofka kale ee kaga horeeya  aqoonta .

Axmed Ismaaciil Samantar wuxuu kaloo faahfaahin ka bixiyayn siyaasada xisbiga uu xubinta ka yahay Hiil Qaran  iyo hanaaanka uu somaaliya ku hogaamin doono hadii uu hanto awooda mamulka dalka.

Prof.Axmmed Ismaaciil samantar  oo ku takahsusay cilmiga international economic and Political affaires oo qiyaastii gaaray  da’da 60-aad  waa nin karti leh oo waano iyo kaftan badan.

Idaacadda Subaxdii ee Radio XurmoIdaacadda Fiidkii ee Radio Xurmo
 
 
Free counter and web stats Copyright © Xurmo Radio- All Rights Reserved | Designed by Ileys Technology Inc.